afuri walaalkaaga sooman
BARNAAMIJKA AFURI WALAALKAA SOOMAN.
Inaga oo ka duulayna walaalnimada iyo isku duubnaanta Islaamku ina faray.
Inaga oo gudanayna waajibka inaga saaran inteenna baahan.
Inaga oo isku tashanayna oo istaakuleynayna.
Innaga oo ka faa’idaysanayna khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan ee foodda inagu soo haysa, aynnu dhammaan ka qayb qaadanno Barnaamijka Quudinta Walalkaa aan Afuri karin.
Haddii aanad ka werwerayn bisha Ramadaan wixii aad quudan lahayd, haddii aanad walaac ka qabin Afurin ogow waxa inala nool oo inagu dhex nool boqolaal aan haysan wax ay bisha Ramadaan kaga baxaan, waxa ina la nool Dad aan hili karin afurin ,
Waxa ina la nool dad da’ ah iyo dad aan Xiskoodu dhamayn oo aan soon Lagu lahayn, Waxa inala nool Hooyooyin iyo Aabbayaal goblan ah ama aan ubad lahayn itaalna aan hayn, waxa ina la nool oo inagu dhex nool dad laxaadka naafo ka ah.
Aduunyaa walaal lagu yahay Aakhiran waa nin iyo camalkii
Annaga oo ah Hey,adda alnaimsom.org isu xilqaantay Barnaamijka Afuri Walaalkaa markii aan eegan Deegaanka si dhab ahana U xaqiijinnay baahidooda, xogna aan ka hayno xaalka ay ku suganyihiin isla markaana mudan in loo kaco oo la Afuriyo waxa aannu qof kasta ka codsanaynaa in uu ku kaalmeeyo wixii uu hayo.
Yoolkeenu waa ugu yaraan 250-400 oo Qof in aan Afurino iyo wax ka badan, waxana aannu gaarsiin doonnaa Qofkasta oo aan awoodin wuxuu ku afuri lahaa in uu Helo,
waxaana siinaynaa wax kasta waxii ay kaga bixi karaan bisha Ramadan
1$, 3$, 5$, 10$ iyo wixii aad ku bixin karto iyo wax kasta oo aad kari karto ugu deeq oo ku dir Lambar Evc 0615557619
Edahab 0625557619
si aanu u gaarsiinno walaalaheenna baahan.
Alle ha ku barakeeyo Maalkaaga Iyo Hadaada Caruur leedahay Caruurtada hana kaaga dhigo kuwo baariya, ilaahay ha kaa Badbaadiyo Cudurkan aduunka hareeyey.
Walaal Ka Qayb Qaado Barnaamijka Afuri Walaalkaa sooman.
Ku soo biir What app Group ka Link riix
https://chat.whatsapp.com/K9eenzPYxEdCidhinsJq60
Alnaimsom.org